.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, January 18, 2013

Dawlada Somaliland Oo Ka Hadashay Sida Ay u Aragto Xidhiidhka Cusub Ee Dhex-maray Somalia Iyo Dawlada Maryakanka (USA)

 
''Xorriyada iyo madaxbanaanida Somaliland waa mid ay goosteen shacabku, maaha mid cid kale ku xidhan''. Dr. Maxamad
 
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo haatan jooga dalka Imaaraadka Carabta oo maanta u warramay Idaacada BBC-da, qaybteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegay inaan xidhiidhka cusub ee uu Maraykanku sheegay inuu la yeelanayo dawladda Soomaaliya aanu haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelanayn jamhuuriyadda Somaliland.Wasiirku,  waxa kale, oo uu tilmaamay inaanu waxba iska bedeli doonin xidhiidhka Somaliland, ay la leedahay dalka Maraykanka iyo beesha kale ee caalamkaba.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Dawladda Maraykanku wada-shaqaynta ay la leedahay dawladda Soomaaliya anagu waxaanu u aragnaa mid anagana faa’iido noo ah oo khatartii nagaga iman jirtay Soomaaliya ee nabadgelyo darrada iyo xasilooni darradu ka mid tahay, waxaanu rajayn doonaa in arrimahaas yaraan doonaan, laakiin dhinaca kale  dalka Maraykanku muu odhan Somaliland lama shaqaynayo, waxa kordhay oo aad u sii badanaya danaynta iyo soo dhaweynta ay caalamku u qabaan Somaliland oo ay ka mid tahay socdaalka aanu hadda ku joogno wadanka imaaraadka oo markii ugu horeysay ay wadamada carabtu albaabadooda iyo siyaasaddooda u fureen Somaliland.
 
Dhanka kale isla bishii hore dawladdo badan oo reer Yurub ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Denmarka ayaa ku baaqay inay mucaawinooyin dhaqaale oo toos ah ay Somaliland siinayaan, markaa arrimahaas oo dhami waxay muujinayaan in dareenkii iyo wada shaqayntii beesha caalamku ee Somaliland aanu runtii yaraanin ee uu sii badanayo.”
 
Wasiirka oo ka hadlaya qaddiyad wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi;
 
 “Midi waxa weeye mawqif mucayin ah oo ay dunidu inta badan qaadato oo ah in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin arrimo iyaga u gaar ah ka shaqayntoodu, waana masalo siyaasaddeed, laakiin waxa muuqata in shirkii kal-hore caalamka oo dhami isugu yimid ee Maraykanku uu ka mid ahaa ee London ka dhacay qaraarkii ka soo baxay wuxuu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay beesha caalamku ku tyaageerto inay ka wada hadlaan arrimaha ka dhexeeya iyo mustaqbalkooda, waana dood iyo wada hadalo hadda lafteeda noo socda oo aanu labada dawladdood filayno inay ka wada hadlaan, dawladdo badan oo caalamka ka mid ahina ay ka qayb qaadanayaan, markaa waxaan filayaa taasi inaanay mushkilad ku ahaanayn Somaliland.”
 
Sidaasi oo kale, waxa uu Wasiirku daboolka ka qaaday inay Somaliland iyo Soomaaliya deeq-bixiyayaashu mucaawinada ay hore ugu qoondeeyeen in mid walba gaarkiisa loo siiyo, isla markaana aanay waxba iska bedelin. “Dhinaca kale qaddiyada labada xidhiidh (dual track) wuxuu ahaa qaaciido mucaawinooyinka loogu kala qaybiyo Soomaaliya iyo Somaliland arrintaasna wax isbedel ah oo ilaa hadda noo muuqdaa ma jiro. Laakiin qodobka waxaasoo dhan ka wayni waxa weeye xorriyada iyo madaxbanaanida Somaliland waa mid ay goosteen shacabku, maaha mid dal kale iyo umad kale ku xidhan.
 
Caalamkuna wuxuu ahmiyada siinayaa qaddiyada ay shacabku goosteen ee shuruucda ku dhisan, arrintaasina mid isku bedelaysa xidhiidh dhex mara Soomaaliya iyo Maraykanka maaha, khatarna uma aragno arrintaas, waxaanu u aragnaa mid aan waxba yeelayn ictiraaf doonka.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar.
 
Wasiirku waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan xidhiidhka cusub ee dawladdaha Soomaaliya iyo Maraykanka.
 
Xigasho: Somaliland.org

No comments: